Booliiska Waqooyi Bari oo qabtay khamri iyo saddex eedeysane

0
12

Ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay in hawlgal saacado socday ku soo qabteen maandooriyaha khamriga iyo saddex eedeysane oo isku dayay in ay si qarsoodi ah khamriga ku soo geliyaan Caasimadda Laascaanood.

Hawlgalka ayaa ka dhacay xuduudda u dhaxaysa Waqooyi Bari iyo Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa waxaana ciidanku muddo ku raad joogeen gaari Nooha ah oo ay wateen eedeysanayaasha.

Saraakiisha Booliiska Maamulka Waqooyi Bari ayaa xaqiijiyay inta uu hawlgalka socday in la soo qabtay saddex eedeysane, gaariga ay wateen iyo 12 kartoon oo khamri ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu wado baaritaan dheeraad ah, marka uu dhammaadana dacwad rasmi ah lagu soo oogi doono.

Booliiska Waqooyi Bari ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgallada lagula dagaalamayo maandooriyaha iyo dambiyada kale, si loo xoojiyo amniga iyo nabadgelyada maamulka.