RW Xamsa & Wakiilka Gaarka Midowga Yurub oo kawad hadlay Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha & Siyaasadda?

0
15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Dalka Masar kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Yurub ee Geeska Afrika Dr. Annette Weber oo ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Xamsa Cabdi Barre ayaa wafdiga Midowga Yurub u sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran guullo muhiim ah ka gaartay Amniga, Siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya saddexdii sanno lasoo dhaafay, haatan ayuu tilmaamay la sii dhammaystirayo waxyaabaha u dhiman.

Waxa uu soo hadal qaaday la dagaalka ‘AS’ oo uu sheegay in guullo waa weyn ay ka gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, dib u dhiska ciidanka Qaranka iyo tayaynta adeegyada Bulshada ayuu xusay in xoogga la saaray.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Annette Weber ayaa sheegtay in ay bogaadinayso waxqabadka Xukuumadda, waxa ay dhankeeda ka ballanqaadday in ay kordhineyso la shaqaynta si loo gaaro hiigsiga Mustaqbal wanaagsan.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya gacansiiya, waxyaabaha uu ururkaas ka taageero waxaa kamid ah dhinaca Amniga iyo dhaqaalaha, Ururkaan ayaa kol hore ku dhawaaqay in uu kordhinayo wadashaqaynta kala dhaxaysa Xukuumadda Federaalka.