Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta wareegto rasmi ah ku shaaciyay xil ka qaadis iyo magacaabis cusub oo ka dhacday maamulka gobolka Hiiraan.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in laga qaaday xilkii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, isla markaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed, oo noqon doona guddoomiyaha cusub ee gobolka.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa guddoomiyaha cusub ku booriyay inuu dardar geliyo howlaha maamulka gobolka, wax ka qabto xaaladaha amni ee ka taagan Hiiraan, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo inuu la shaqeeyo bulshada deegaanka si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka.
Lama oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee Cali Guudlaawe uu xilka uga qaaday guddoomiyahii Gobolka Hiiraan, Muuse Xuseen Maxame



