Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in wafdi uu hoggaaminayo ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Maxamed Mursal ayaa sheegay in ujeedka safarkooda berri ee Magaalada Baydhabo uu yahay mid lagu xoojinayo Xisbiga ay diiwaangashadeen si ay ugu tartamaan Doorashada Dadweyne ee la filayo in ay dalka ka dhacdo sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Horumarinta & Midnimada Qaran, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in uu jiro culays dhinaca safarka ah oo Shirkadaha Diyaaradaha uu ku hayo Maamulka Koofur Galbeed, taasi ayuu tilmaamay in ay kahor imaanayso xorriyadda dastuuriga ah uu haysto sida uu yiri.
“21ka bishaan ayaa u socdaa Magaalada Baydhabo si aan furo Xarunta Xisbiga, Koofur Galbeed irdaha ayaa u xiran, Sheekada waxa ay noqotay Dadka diyaaradaha laga kiraysto ayaa la handadaa, waxaa la dhahaa qofkaas masoo qaadi kartid, Shahaadada aan haysano ee guddiga doorashooyinka ayaa inoo fasaxaysa in aan tagi karno meel weliba oo aan xafiis ka furan karno, Xisbigayga & Kan Laftagareen way u siman yihiin Baydhabo” Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Mursal ayaa dhanka kale sheegay in sababta ay ugu qanceen ka tanaasulka diidmadii ay kala hortageen Doorashooyinka Dalka kaddib markii ay ku qanceen soo jeedinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay kala hadleen tabashadii ay qabeen.
“Hadafka naga waxa uu ahaa in wax la saxo ee ma ahayn in khalalaasa iyo rabshad in ay sii socota, waxa aan ku qanacnay hadalka Madaxweynaha maadaama uu ogolaaday waxyaabaha muhiimka ah, Cutubka 4aad ee Dastuurka waa mid ka hadlaya Doorashooyinka oo aan lawada tuuri Karin, waxa aan Madaxweynaha ku amaanayaa go’aanka uu qaatay” Ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
30ka Bisha soo socota Nofeembar 2025 waxaa billaabanaya Doorashada Dowladaha hoose sida uu sheegay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka oo horay u diiwaangeliyay Dadka la siinayo kaarka codaynta si loo doorto xubnaha metalaya sida hadalka loo dhigay.