Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan oo War ka soo Saaray Magacaabistiisa.

0
12

 Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Maxamed Carab Xuseen ayaa qoraalkan hoose ku baahiyay bartiisa Facebooga ah.

Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa Allaah subxaanahu watacaalaa.

Marka xiga waxaan u mahadcelinaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabeele mudane Cali Cabdullaahi xuseen (guudlaawe) iyo Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed hagar (dabageed) Oo igu aaminay masuuliyadda culus oo ah guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan.

Waxaan idiin balanqaadayaa in aan ku shaqayn doono taladiina iyo aragtida Dowladda Hirshabelle haddii alle idmo Sidoo kale waxaan u mahadcelinaa dhammaan asxaabta,ehelka iyo dhamaan bulshada reer Hiiraan oo iisoo hambalyeeyay qaarka isoo wacay oo aan u jawaabi waayay Waxaan uga cudur-daaranayaa in uu igu badnaa wixcitcitaaka saxiibada qoorkoodna aan ka qaban waayay telfoonka

Walaalayaal iga raali noqda .

Walaalayaal waxaan idinka codsanayaa in aad igala shaqaysaan sidii aan ku hormarin lahayn gobalkeenna Anigoo had iyo goor ku shaqayn doona taladiinna.

Bulshada reer Hiiraan waxaan yeelan doonna kulamo iyo wada tashiyo ku salaysan sidii aan u hormarin lahayn Gobolka Hiiraan.

Waxaan ugu baaqayaa hay,adaha samafalka in ay gar-gaar deg -deg ah gaarsiiyaan bulshada reer Hiiraan ee kasoo barakacay Colaada.

Wabilaahi towfiiq.