Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa lixaad, kaas oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Kooramka kulanka ayaa ku furmay 146 Xildhibaan, waxaana ajendaha kulanka uu ahaa akhrinta sedaxaad iyo u codeynta Heshiiska Aaga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo Golaha u soo gudbiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Shacabka.
Kadib markii cod loo qaaday heshiiska, 145 Xildhibaan ayaa ogolaaday, hal Xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu shaaciyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.
Sidoo kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey warbixinta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Hanaanka Lacagbixinta Qaranka iyo Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga Ladagaalanka Burcadbadeedka iyo ka Hortaga Afduubka ee Sharci LR.36, kaas oo soo baxay 30-kii bishii April sanadkii 1975-tii.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka ee lagu hormarinayo sharciyada iyo heshiisyada muhiimka u ah dhaqaalaha, ammaanka, iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.



