FESOJ iyo kulan lagu dhisayo Naadiga dhallinyarada nabadda ee baraha bulshada.

0
14

Ururka saxafiyiinta soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay kulan maalin ah oo qayb ka ah Naadiga dhalinyarada nabadda ee baraha bulshada.

Labaatan dhallinyaro oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa heley tababar iyo wacyi ku saabsan sida uu naadiga dhallinyarada nabadda ee baaraha bulshada u shaqaynayo.

Ujeeddada dhisidda naadiga dhallinyarada nabadda ayaa ah in la helo xoog dhallinyaro oo isku xiran oo ka shaqeeya nabada deegaanada ay ku nool yihiin, horseedna u noqda horumarka dhinaca deganaanshaha dalka.

 

 

Dhallinyarada baraha bulshada adeegsada ee magaalada Baydhabo ayaa nasiib u heley kulankii kowaad ee asaaska naadiga Nabadda ee ay dhalinyarada hogaaminayaan. Waxay soo bandhigeen dhalinyaradaas waxyaabo caawina kara ka shaqaynta nabadda naadiga uu ku dhismaayo. Waxay kaloo soo bandhigeen noocyda baraha ay bulshada ay adeegsadaan.

Heesta nabadaa naas la nuugo leh oo astaan nabad tilmaamaysa ayay dhalinyarada dareenkooda ku muujiyeen.

Ururka FESOJ oo kaashanaya BBC Media Action ayaa kulano kan xiga dhowaan ku qaban doona qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalka.