Dadka u safraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ee ka imaanaya dibadda, ayaa sheegay in ay caqabado kala kulmaan nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-visa) ee ay dowladda Soomaaliya soo rogtay, iyadoo qaarkood laga reebay duulimaadyadii ay ku safrayeen.
Cabdiraxmaan Aadan, oo kamid ah qurbajooga Somaliland, oo shalay safar ku soo maray magaalada Dubai, ayaa Galaydh TV u sheegay in isaga iyo dad kale oo Hargeysa usoo safrayay lagu xidhay in ay fiisaha Soomaaliya soo qaataan. Kadib markii ay isku dayeen in ay dalbadaana, dowlada Soomaaliya ay ka xidhay nidaamkii, isla markaan ay muddo dheer go’doon ku ahaayeen Dubai.
Markii aan Dubai imid oo aan doonayay in aan u soo baxo dhinaca Somaliland ee Hargeysa, waxa dhacay in markii aan miisaankii tagay laygu yidhi ma sidata fiise. Waxaan tusay waraaq odhanaysa in qofku uu fiisaha ku qaato markuu yimaado; waxayna nagu yidhaahdeen sharciga Somaliland ma garanayno,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.
Waxa uu sheegay in kadib markii ay fiisaha Soomaaliya soo heleen oo ay Hargeysa yimaadeen lagu amray in ay bixiyaan 60 dollar qofkiiba, iyagoo sheegay in aanay aqoonsanayn fiisaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in taasi ay ku noqotay dhib weyn.
Waxa uu intaas ku daray in maalinkasta qiyaastii ilaa 40 qof oo reer Somaliland ah diyaaradaha laga reebo arrintan fiisaha awgeed. “Marka waxa muuqata in dowladdii aanu dooranay qof kastaa shaqadiisii dayacay, oo dadkii shacabka ahaana lagu leeyahay waxbaanu wadna,” ayuu yidhi.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isna sheegay in lagu xanibay madaarka Dubai, isla markaana loo sheegay in uu soo qaato fiisaha Soomaaliya inkastoo markii dambe lasoo fasaxay.
“Aniga laygu yidhi Dubai ma haysata fiise, oo muran ku baxay, maanta way ka sii adkaatay. Dowladeena laga aqbali maayo, waa ku dhaliil, waraaqo ayaanu qornay, waa ku dhaliil. Waxa laga raba barnaamij ay kula dagaalanto barnaamijka E-visaha, waa in ay barnaamij E-visa ah sameeyaan, oo dadku halka ka qaato,” ayuu yidhi Xaashi.
Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan kusoo rogtay dadka u safraya Muqdisho, Hargeysa iyo magaalooyinka kale in ay online ku dalbadaan dalku-galka, taasi oo caqabad weyn ku noqotay dadka u safraya Somaliland, maadaama Somaliland ay diiday nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya.



