Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay mustaqbal tamamarta Soomaaliya

0
5

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkii 4aad oo xiriir ah lagu qabtay Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed oo ah madal sanadle oo lagu gorfeeyo xaaladaha iyo mustaqbalka ganacsiga dalka, laguna abaalmariyo waxqabadka iyo guulaha ganacsiyada Soomaaliyeed.

Bandhiggaan oo ay soo qaban qaabisay Shirkadda Hormuud ayaa sanadkaan waxaa diiradda lagu saaray Hayaanka Tamarta Soomaaliya, iyada oo lagu soo bandhigay cilimibaarisyo, doodo cilmiyeysan, khudbado, iyo khubaro si xeeldheer u lafagurtay xaaladda tamarta dalka, caqabadaha iyo fursadaha ku geedaaman.

Bandhigga waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Wasirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee BFS, Maamulka Sare ee Shirkadda Hormuud, Aqoon yahaanno Soomaaliyeed, madax ka socoto shirkadaha ka shaqeeya tamarta iyo in ka badan 350 qof oo isugu jira bulshada qeyba hayda kala duwan.

Inta uu socday bandhigga waxaa lagu soo bandhigay xaaladda tamarta Soomaaliya oo lagu sheegay in 51% dadka Soomaaliyeed ay helaan adeeg koronto, kuwaas oo isugu jira 80% dadka deggan magaalooyinka iyo 39.4% dadka ku nool miyiga. Khuburada ayaa sheegay in korontada dalka 85% laga dhaliya shidaal laga soo dhoofiyay dalka dibaddiisa, taas oo shirkadaha korontada ay sanad kasta ku soo iibiyaan $130 milyan.

Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf oo madaxda iyo martida ka soo qeyb gashay Bandhigga ku soo dhaweeyay ayaa sheegay in Sharaf u tahay ka hadalka tamarta Soomaaliya, taas oo lagu xoojinaya wax soo saarka dalka.

“Shirkadda Hormuud waxa ay isku dayday in ay buuxiso kaalinta ah in dadkayna helaan koronto joogto ah oo xooggan, taas oo ay ku fushadaan wax soo saarkooda, ka shirkad ahaan korontada aan adeegsanno waxaan ka dhalinay Soolar, taas ayaa nagu dhiirigalisay in bulshada aan u soo bandhigno in laga fogaado wasaqowga hawada iyo adeegsiga tamarta Qorraxda,” sida uu yiri Guddoomiyaha Hormuud Telecom, Axmed Maxamuud Yuusuf.

Bandhigga oo daahfuray Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in shirkaan uu muhiim u yahay bulshada, waxa uu xusay in Soomaaliya  ay maanta taagan tahay meel wanaagsan ee dhanka tamarta, waxa uu carrabka ku dhuftay in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay gacanta ku hayaan tamabarta dalka.

“Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalal kooban oo aan lahayn shabakad ka shaqeysa koronto qaran. Waxaana hadda gacanta ku haynaa dib-u-dhiska iyo casriyeynta shabakaddaas oo lafdhabar u ah in koronto lagu baahiyo daafaha dalka,” sida uu yiri Wasiir Bidhaan.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdikariim Gabeyre ayaa bogaadiyay shirkadaha keena Gaaska, isaga oo sheegay dadaalka ay dalka ku keeneen haamanka gaaska looga maarmay geedihii la jari jiray iyo dhuxushii la shidi jiray.

Sidoo kale Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, oo ka hadlay bandhigga ayaa shirkadda Hormuud uga mahadceliyay, isku xilqaamidda dhiirigalinta ganacsatada Soomaaliyeed oo ka shaqeeya adeegyada tamarta oo lafdhabar u ah bulshada.

“Waan ognahay lacag badan ayaa ganacsatada dalkeenna uga baxda in ay shidaal ka soo dhoofiyaan dibadda. Waxaa hadda socdo dadaallo lagu sahminayo shidaalka Soomaaliya, waxaana rajaynayaa in aan mustaqbalka dhow aan baajinno lacagahaas tirada badan ee dibadda nooga baxa, qiimo shidaalkuna hoos u dhici doono,” sida uu yiri Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya.

Shirka Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed ayaa lagu abaalmariyay 13 shirkadood oo kaalin hoggaamineed ka qaatay horumarinta tamarta dalka, bulshada Soomaaliyeed ka haqabtiray deegyada tamarta, shirkadahaan ayaa bixiya adeegyada; Korontada, Gaaska, Shidaalka, iyo shirkadaha horyaalka u ah hayaanka tamarta looga dhaliyo cadceedda.

Ra’iisu Wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo soo xiray Bandhigga Guuleystayaasha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii loo si dhow loogula socon lahaa arrimaha korontada iyo tamarta.

“Magaalada Muqdisho sannadaan dambe way yar tahay in la maqlo korontada ayaa go’an, waxaan xog ogaal u nahay duruurfta ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ku soo saaraan korontada,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

Bandhigga ayaa ugu dambeyn xarumaha waxbarashada, cilmibaarista, iyo bulshada riyadka ah ugu baaqayaa; in ay kor u qaadaan wacyigelinta bulshada ee isticmaalka tamarta nadiifta ah, iyo in ay abuuraan xarumo dhallinyarada Soomaaliyeed ku tababara xirfadaha tamarta, si loo dhiso jiil daboolaha baahiyaha xirfadeed ee tamarta.