Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xiisad adag ay ka dhalatay fadhigii Maxkamadda Gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dhageysanayay dacwad ku saabsan dilka hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo dhawaan lagu dilay magaalada Qaayib.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug iyo ehellada marxuumiinta ayaa maanta si wadajir ah uga baxay fadhigii maxkamadda, kadib markii garsoorayaashu sheegeen in xeer-ilaalintu keeni weyday caddaymo ku filan oo lagu xukumo eedeysanayaasha, kuwaas oo tiradoodu ahayd saddex nin.
Garsoorayaasha ayaa soo jeediyay in eedeysanayaasha la dhaariyo, islamarkaana loo xukumo magta marxuumiinta, maadaama aan la helin caddayn rasmi ah oo dilka lagu furo. Hase yeeshee, ehellada dhibbanayaasha ayaa arrintaas diiday iyagoo ka baxay Fadhiga Maxkamada sida ay sheegayaan wararka.
Maxkamada gobolka Galgaduud oo soo jeedisay in dhaar lagu leeyay raga ku eedeysan dilka hoyo iyo gabdhaheed maadama lagu waayay cadeymo kufilan ayaa lasoo warinayaa in buuq ka dhashay soo jeedintaas
Goobta maxkamadda ayaa markaas kaddib gashay xaalad kacsanaan ah, waxaana la sheegay in buuq uu ka dhex dhacay qoysaska iyo saraakiil amni.
Fadhigii maxkamadda ayaa la xiray iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin, xiisaduna ay weli taagan tahay gudaha magaalada Dhuusamareeb