Hay’addaha Amniga iyo socdaalka u qaabilsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlay ka hortaga Tahriibka iyo Xoojinta amniga Xuduudaha.
Kulanka oo uu guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha XFS, Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Booliska, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo saraakiisha kale ee labada hay’adood.
Shirka ayaa lagu soo bandhigay istaraatiijiyadda Dowladda ee Wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee xuduudaha gaar ahaan sugidda amniga xuduudaha, la-dagaallanka tahriibka iyo dambiyada abaabulan iyo diyaarinta qabo-qoraalka siyaasadda qaran ee soo guryo-noqoshada.
Sidoo kale, shirka ayaa lagu dhisay Guddi isku-dhafan oo diyaarinaya Istaraatiijiyadda Qaran ee sugidda amniga xuduudaha dalka iyo dib u eegista siyaasadaha qaran ee la xiriira ka hortagga tahriibka iyo dambiyada socdaalka, taas oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta iyo isku-xirka hay’adaha amniga ee heer qaran.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay kordheen dhallinyarrada Soomaaliyeed ee ka tahriibaya dalka, tilaabadaasi oo ay walaac ka muujiyeen Buls