
Maxkamad ku taalla Dalka Lubnaan ayaa amartay in damaanad lagacageed lagu sii dayn karo Wiilka uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucammar Qadaafi ee lagu magacaabo Hannibal Gaddafi oo muddo ku dhowaad 10 sano ku xirnaa xabsi gaar ah.
Garsoore katirsan Dalka Lubnaan ayaa amarkaan bixiyay si uu Hannibal dib ugu helo xorriyaddiisa maadaama waqti dheer uu xirnaa, waxaa lagu soo rogay xayiraad safar oo uusan meelna uga bixi Karin Dalkaas uu ku xiran yahay ee Lubnaan.
Wakaaladda Wararka Lubnaan ayaa sheegtay in go’aanka Damiinka ah ee kasoo baxay Xafiiska kiiskaan gacanta ku haya uu muujinayo sida ay u go’aansadeen sii daynta iyada oo la xadidayo dhaqdhaqaaqa wiilkaan uu dhalay Mucammar Qadaafi.
Qareenka difaacaya Hannibal ayaa sheegay in uu diidan yahay go’aankaan, waxa uu intaas ku daray in muwakilkiisa uu mudan yahay in xorriyaddiisa la siiyo iyada oo aanay shuruud ku xirnayn mar haddii waqti dheer uu xirnaa sida uu ku dooday.
Waxa uu tilmaamay in uu ku jiro liiska cunaqabataynta Dadka la saaray isla markaana ay ku adag tahay halka uu lacagtaas ka keenayo, Hannibal Gaddafi ayaa lagu eedeeyay in uu qariyay xogta maqnaashiyaha Musa Al-Sadr oo lagu waayay Liibiya sanadkii 1978.
Al-Sadr waxa uu ahaa aasaasihii Dhaqdhaqaaqa Amal oo haatan xulufo la ah Xisbullaah, waxa uu Liibiya u tagay xiligii xogtiisa la weynayay la kulanka madaxweynihii ugu muddo xil-haynta dheeraa ee dalkaas Kornayl Mucammar Qadaafi.