Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood ayaa dhiggiisa Turkiga Prof. Ömer Bolat waxa ay wada galeen heshiis dhigaya in Kalluunka iyo Macdanta Dalka loo iibgeeyo Dalkaas.
Kulan doceed daba socday shirka Istanbul ee Turkiga iyo Afrika ayay uga wada hadleen arrintaan, Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay daneyneyso xoojinta iskaashiga ku dhisan isdhaafsiga Ganacsiga ee Afrika.
“Kulankan miro-dhalka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga, loona ballaarin lahaa fursadaha ganacsi, maalgashi iyo suuq helidda badeecadaha labada dal” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, Maxamuud Aadan Geesood.
“Waxaan Wasiirka Turkiga kala hadlay sida badeecadaha Soomaaliyeed gaar ahaan kalluunka, macdanta, iyo wax-soosaarka dabiiciga ah — suuqyo loogu heli karo gudaha Turkiga, taas oo gacan ka geysan doonta kor u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya iyo dhiirrigelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay” ayuu qoraalkiisa siii raaciyay Wasiir Geesood.
Gunaanadkii waxa uu qoraalkiisa kusoo afmeeray Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya Maxamuud Aadan Geesood “Sidoo kale, waxaan isla garanay in dib loo eego caqabadaha ganacsi ee jira, lana dadaalo in la abuuro jawi fududeynaya isku socodka badeecadaha iyo maalgashiga labada dal, si loo gaaro heer iskaashi oo waara oo faa’iido u leh shacabka labada waddan”.
Turkiga ayaa dhowaan soo bandhigay dhaqaalaha uu ka helo badeecadaha uu u iibgeeyo Qaaradda Afrika, halka sidoo kale uu soo bandhigay lacagaha Dadkiisa uga baxa iibsashada waxyaabaha laga dhoofiyo Qaaraddaan ee dalkeeda la geeyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha iyo wax is dhaafsiga ah ee dalkiisa kala dhaxeeya Qaaradda Afrika, waxa uu rajeeyay in sanadaha soo socda lasii xoojin doonno.