Mustaf Taakoy oo deeq Waxbarasho uu helay ku waayay Baasaboorka Soomaaliya dartiis!

0
5

Mustaf Maxamed Taakooy oo 30 jir ah oo codsi Waxbarasho u gudbistay Jaamacad ku taalla Dalka Denmark si uu u dhammaystirto hayaankiisa waxbarashada heerka Master Degree ayaa fursaddii uu helay u waayay Baasaboorka Soomaaliya dartiis.

Waxa uu helay deeq Waxbarasho oo Midowga Yurub uu bixiyo oo qofkii ku guulaysta fursad u hela in uu wax ku barto mid kamid ah Jaamacadaha Dalalka xubnaha ka ah ururkaas, waxa uu ku guulaystay in uu daraaseeyo Horumarinta Deegaanka.

Taakoy waxa uu hamigiisu ahaa in uu u geeddi rarto fursaddaan balse waxaa caqabad ku noqday Baasaboorka Soomaaliya oo aan aqoonsanayn Dalkaas, waxa uu ku guuldaraystay in uu ka gungaaro fursaddaas uu helay.

Waxa uu ku garnaqsaday in aanay jirin qof dooran kara halka uu ku dhallanayo, Mustaf ayaa ku dooday aqoontiisa loo qiimeeyo isaga oo intaas ku daray uu racfaan ka qaatay go’aankaas diidmada ah sida uu hadalka u dhigay.

“Qiyaas, qof helay deeqda waxbarasho ee Erasmus Mundus ee Midowga Yurub uu bixiyo ee Jaamacadda Copenhagen, ma dooran in aan ku dhasho Soomaaliya, mana jiro qof dooran kara meesha uu ku dhallanayo, waan niyad jabay balse rajayda weli ma dhumin, sanadka soo socda ayaa dib u codsan doonnaa aniga oo rajaynaya in aan fursad kale heli doonno,” ayuu yiri Mustaf Maxamed Taakoy.

Hay’adda Socdaalka ee Denmark ayuu u gudbisay racfaankiisa, waxa uu bixiyay lacag dhan $140 waxa uu u caddeeyay in la kala saaro dhalashadiisa iyo aqoontiisa Waxbarasho heerka ay gaarsiisan tahay si uu u gaaro guullaha kale u muuqda.