Hay’adda NIRA oo qaadasha Kaarka Aqoonsiga Qaranka lacag ka dhigaysa

0
9

Hay’adda NIRA ee bixisa Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa sheegtay in wixii ka dambeeya 31ka Oktoobar 2025 lacag ka dhigayso qaadashada kaarkaan, qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda xiriirka Bulshada ayay sidaas ku sheegtay.

NIRA ayaa tilmaamtay in khidbad-dhaafka (Bilaash ku qaadashada) Kaarka Aqoonsiga Qaranka uu ku siman yahay dhammaadka bishaan, balse ma sheegin lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan ee waqtigaan ka faa’iidaysan waaya ama haleeli waaya.

“Muddada Khidmad-dhaafka Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranku waxa ay ku eeg tahay 31-ka Bisha Oktoobar. Fadlan ka faa’idayso fursadda oo iska diiwaangeli Xarunta NIRA ee kuugu dhow” ayaa lagu soo koobay qoraalka NIRA

Xarumaha lagu qaato Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa safaf dhaadheer loo galaa, Hay’adda NIRA ayaa sheegtay in ay kormeer ku samayso xarumahaan si looga hortago in lacago bilaa sharci ah looga qaado dadkaas.

Hay’adda ayaa horay u sheegtay in ay samaysay nambar gaaban oo lagu gudbin karo haddii la arko musuq ama cabasho la xiriirta in qof lagu xiro bixinta lacagta si uu u helo adeegga helista kaarka aqoonsiga Qaranka.