MW Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalay aaska Raila Odinga

0
11

 Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid noqday Madaxda ka qaybgalaysa aaska loo sameeyay Raila Odinga oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalkaas isla markaana dhowaan ku geeriyooday Hindiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa wehliyay mas’uuliyiin uu kamid yahay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kenya iyo xubno katirsan Lataliyeyaashiisa, waxaana uu ka safray Magaalada Muqdisho isaga oo gaaray goobta aaska loogu sameynayo Raila Odinga.

Muuqaal toos ah oo Warbaahinta ay ku tebinaysay madaxda waxaa kasoo dhex muuqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dul tagay sanduuqa maydka Odinga kaddibna gacan qaadaya mas’uuliyiinta Kenya.

Mas’uuliyiin kale ee Dalalka dhaca Qaaradda Afrika ayaa ka qaybgalay sida Madaxweynihii hore Tanzania Jakaya Kikwete, Madaxweynaha Ethiopia Taye Selassie, Rwanda iyo dalal kale, waxa ay saxiixeen buugga tacsida, gunaanadka ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweyne William Ruto.