Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirradda?

0
8

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka gaar ahaan dagaalka AS iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageystay warbixiino la xiriira xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha amniga, ganacsiga, siyaasadda, caafimaadka iyo adeegyada kale.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa AS.

Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud guddoomiyo kulanka Golaha Wasiirraddda tan iyo markii uu magacaabay Xukumadda Federaalka.