Raila Odinga oo ku geeriyooday Dalka Hindiya

0
8

Railo Amora Odinga oo ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya sidoo kalena soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas ayaa ku geeriyooday Dalka Hindiya kaddib markii la sheegay in halkaas loo geeyay in laga daweeyo xannuun wadnaha ah.

Odinga oo lagu xusuusto in dhowr jeer looga adkaaday Doorashooyin ka dhacay Dalka Kenya ayaa mar la siiyay xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas kaddib markii uu buuq kala hortagay natiijada doorasho looga adkaaday balse uu sheegay in la musuqay.

Xilalka ka baxsan dal dalkiisa waxa uu ahaa Wakiilka Sare Midowga Afrika ee dhinaca Horumarinta kaabayasha, bartamihii Febaraayo sanadkaan 2025 waxaa looga adkaaday xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo uu ku guulaystay Maxamuud Cali Yuusuf.

Waxa ku dhashay Degmada Kisumu ee Gobolka Nyanza 7dii Janaayo sanadkii 1945, waxa uu ahaa hoggaamiyaha Xisbiga ODM ee dhowr doorasho lagu garaacay natiijada codbixinta isaga oo haysta taageerayaal badan.

Raila Odinga waxaa lagu xusuustaa in loo xiray isku day Afgambi Fashilmay oo ka dhan ahaa Madaxweyne hore Daniel arap Moi, waxa uu xabsi ku qaatay saddex sano iyo bar  bilaa maxkamad inkasta oo markii dambe lasii daayay.

Raila Odinga wuxuu afar jeer u tartamay xilka madaxweynaha Kenya balse kuma guulaysan oo nasiibkiisa ayaa sidaas noqday inkasta oo uu ku doodayo in la musuqmaasuqay tirinta codadka isaga oo aan soo bandhign caddaymo lagu qanci karo.

1997 Waxa uu kaalinta saddexaad ka galay doorashada Madaxweynaha, 2007 waa laga adkaaday isaga oo ku murmay in uu natiijada dhinaca kale loo gaddiyay balse waxa uu halkaas ka dhaxlay xilka Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas.

Markiisii saddexaad uu tartamay waa 2013 oo waxaa ka guulaystay Uhuru Kenyatta, buuq kaddib Raila wuu ku qancay natiijada, markiisii afaraad waa 2017 Doorashadii ayaa lagu murmay, maxkamaduna way baabi’isay natiijadii ugu horreysay. Wuxuu diiday inuu ka qeyb galo codbixintii labaad sidaasi ayuu xilkaas hamigiisa ku waayay.