Ku dhowaad 250 Dhallinyaro Soomaali ah oo dalbaday ku biirista Ciidanka Militariga Kenya ee KDF loosoo gaabiyo ayaa laga hor istaagay in ay ku biiraan ciidankaas kaddib markii baaris lagu sameeyay lagu ogaaday in ay isticmaalaan Balwad iyo Daraagis.
Sida uu dhigayo xeerka ama shuruudaha laga doonayo askariga ku biiraya Ciidanka KDF, waxaa ka reeban in uu leeyahay Balwad ama isticmaalo walxaha maanka-dooriya, waxaana la mariyaa baaris dhiig iyo mid jireed oo lagu xaqiijinayo.
Goob ayaa la isugu geeyaa iyada oo ruclayn socod ah la geliyo si loo ogaado xaddiga neefta jireed uu leeyahay, la jaanqaadka saraakiisha hoggaaminaysa iyo la hubiyo Ilkahooda, dhiiggooda iyo qaybaha kala duwan ee jirka.
Dhallinyaradaan oo Wiial iyo Gabdho ah ayaa ku guuldaraystay hamigii ay ka lahaayeen ku biirista Ciidamada Militariga Kenya, waxaana loo sheegay in qof weliba oo kamid ah in uu ku dhacay Imtixaankii laga qaaday mar haddii ay leeyihiin Balwad.
Saraakiisha katirsan Ciidanka KDF ee baarista sameeyay ayaa sheegay in hamiga dhallinyaradaan uu aad u sarreeyo balse shuruudda ay kasoo bixi waayeen darteed ay ku waayeen kamid noqoshada Ciidankaas.
Waxa ay sheegeen in weli ay furan tahay diiwaangelinta askarta cusub ee lagu biirinayo Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF lana qaadan doonno qofkii kasoo baxa shuruudaha horyaalla oo ah waxa keliya ay ku kala hari karaan sida hadalka loo dhigay