Madaxweyne Cagjar oo sheegay in Shidaalka DDS 50% la siiyo Federaalka

0
7

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa sheegay in faa’iidada shidaalka laga soosaaro dhulka Dowlad-Deegaankaas ay kala bar qaadato Dowladda Dhexe ee Itoobiya halka qaybta kalena Dadka loogu adeego.

Mustafa Cagjar ayaa sheegay in Golayaasha xeer dejinta ay ansixiyeen saami qaybsigaas ku dhigan boqolleyda, waxa uu miiska soo dhigay in dadku ay ka doodi karaan haddii ay faa’iido u tahay iyo haddii kale sida uu hadalka u dhigay.

Cagjar oo u muuqday in uu ka falcelinayo Dadka dhaliilaya qaybsigaas ayaa dhaliilay dad uu sheegay in ay bannaan joog ka yihiin Maamulka Bulshada balse ka shaqaynaya in dadka la iska horkeenno sida uu yiri.

“Shidaalka deegaanka waxaan ku leenahay 50%, halka 50 ka kalena heer fadaraal ahaan qayb ayaa nagasoo gaadhaysa, golayaasha sharciyada ee dalkuna waa ay ansixiyeen, Niman dibadaha jooga wakiillo kama ahan ummadda, haddii ay ka yihiin ha u yimaadaan oo hala qaybsadaan” Ayuu yiri Madaxweynaha DDS Mustafa Muxumed Cagjar.

Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay nidaamka loo maamulayo shidaalka Dowlad-Deegaanka Soomaalida kol hore laga helay, dadka dhaliisha jeediyay ayaa ku sheegay in nacfiga lala qaybsanayo iyada oo aanay waxba laga qaban dhibaatooyinka deegaanka ka jira.