Maanta oo Isniin ah waxaa billaabanaya sii daynta Maxaabiista Xamaas ay haystato oo ay ku dhaafsanayso Dadka rayidka ah iyo mas’uuliyiintooda ku xiran xabsiyada ay maamusho Israa’iil Sida ay wariyeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Bisha Cas ee kala wareejineysa.
Sida qorshaha uu yahay Xamaas ayaa fulin doonta sii daynta dhammaan Maxaabiista ay gacanta ku hayso ee kuwa nool iyo maydadka Israa’iil oo maalmo qaadanaysa balse maanta howshaan si toos ah u billaabanaysa sida qorshuhu yahay.
20 Maxbuus oo Yuhuud ah ayaa lagu sii daynayaa baddelka ku dhowaad 2,000 oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo saacadaha soo socda la bilaabanayo qorshaha sii dayntooda si ay dib ula midoobaan ehelkooda sida wararku sheegayaan.
Sida ku xusan Heshiiskii Sharma Al-Sheekh ka dhacay Khamiistii, Xamaas ayaa fursad loo siin doonnaa soo gudbinta Maydadka Xubnaha Israa’iil ee isla weerarka ay qaadday ku dishay kuna hoos jira burburka guryaha ay duqaymaha ku dumisay.