Microsoft oo joojinaysa isticmaalka Windows 10

0
6

Shirkadda Microsoft ayaa ku dhawaaqday in dhowaan in 14ka Oktoobar 2025 oo berri ah joojineyso adeegsiga Windows 10 isla markaana loo guurayo Windows 11 sida lagu arkay fariimo ay shirkaddu u dirtay Dadka adeegsada kumbiyuutarrada & Laptop-yada.

Waxa ay shirkaddu joojisay Cusboonaysiinta (Updates) ay u diraysay marka wax lagu soo kordhiyo, taa baddelkeeda Microsoft waxa ay qaadday hannaan ay dadka ugu sii dhaweyneyso ku xirnaanta Windows 11 oo wixii berri ka dambeeya shaqayn doonna.

Shirkadda ayaa Kumbiyuutarrada iyo Laptop-yada u ogolaatay in ay cusboonaysiin karaan Windows 11 si bilaash ah (Lacag la’aan ah) waxaase ka horreeya in ay buuxiyaan shuruudaha ay daba dhigtay oo laga doonayo Kumbiyuutarka cusboonaysiinaya Windows 11.

Waxa ay si cad u sheegtay in Kumbiyuutarrada waqti hore lasoo saaray ee aan heerka awooddooda Software-ka dhammayn la jaanqaadka Windows 11 u baahan doonnaan qalab sida kan Xogta Ammaanka Kumbiyuuterka ee Trusted Platform Module (TPM).

Sidoo kale waxaa laga qiimayn doonnaa waxyaabaha laga gudbay ee ku xiran kumbiyuutaradii hore maadaama isbaddelka cusub uu saamayn ku yeeshay, waxa ay shirkaddu diyaarisay hannaan gaar ah oo Windows 11 ula jaanqaadi karaan.

Shirkadda Microsoft ayaa Windows 10 baahisay 29kii July sanadkii 2015, waxaana uu si rasmi ah usoo xirmi doonnaa 14ka Oktoobar 2025, marka muddo la joogo waxa ay shirkaddu soo bandhigtaa waxyaabo casri ah oo ay kusoo kordhiso waxsoosaarkeeda.

Microsoft ayaa sidaan oo kale horay u joojisay Windows badan, sababta ay shirkaddu sidaas u samayso waa in ay la jaanqaad ku samayso dunida casriga ah ee isbaddelaysa si ay usii haysato rukunkeeda una hesho kuwo cusub.