Madaxweynaha Turkiga oo maanta Masar uga qaybgalaya shir looga hadlayo nabadda & Mustaqbalka Gaza

0
6

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka qaybgalaya shir ka dhacay Magaalada Sharmal-Sheekh ee Dalka Masar oo looga hadlayo nabadda Gaza, dib u dhiska Magaaladaas iyo sidii loo garab istaagi lahaa shacabka dhibaatadu haysato.

Madaxweyneyaasha Masar iyo Maraykanka waa Cabdifitaax Al-Siisi & Donald Trump ayuu la daadihin doonnaa shirkaan oo ay ka qaybgalayaan Madax kala duwan oo kor u dhaafaya ilaa 20 mas’uul oo isugu jirta madaxweyneyaal iyo Ra’iisul Wasaareyaal.

Mas’uuliyiinta katirsan Dowladda Masar ayaa sheegay in shirkaan lagu casuumay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Boqorka Jordan Cabdalla, Kan Baxrayn Xamad Bin Ciisa Al-Khaliifa, Ra’iisul Wasaareyaasha UK, Spain, Italy, Pakistan & Germany.

Madaxdaan ayaa madasha ka ballanqaadi doonta dhaqaalaha dalalkooda ay ku bixinayaan dib u dhiska Magaalada Gaza, waxaa jira ajande kale ay wadaan mas’uuliyiinta qaar oo la xiriira in la ballaariyo howlgalka nabad ilaalinta Magaaladaas.