Duqa Boosaaso oo Digniin u diray Dadka gacansiiya Daacish

0
7

Duqa Magaalada Boosaaso Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa digniin u diray Dad uu sheegay in ay gacansiiyaan Daacish oo dagaal xooggan kula jirta Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Dadka caadaystay in ay la shaqeeyaan Daacish ama ku gacansiiyaan dhinaca Sahayda maadaama ay go’doon ku hayaan kana joojiyeen raashinkii u geli lahaa deegaannada ay joogaan.

Odoyaasha dhaqanka ee deegaannada uu howlgalka ka socda ayuu u soo jeediyay in ay gacan ka gaystaan soo qabashada Dadkaan oo uusan carabaabin halka ay joogaan, tiradooda iyo caddaymaha uu maamulka Magaalada Boosaaso uu ku caddaynayo eedeyntaan uu u jeediyay.

“Deegaannada uu ka socda howgalka Hilaac waxaa reeraha degen odoyaashooda ka rabnaa in ay gacan ka gaystaan soo qabashada firxadka Daacish, waxa aan digniin u diraynaa dadka kala shaqeeya sahayda oo gacan bir ah aan ku qaban doonno” Ayuu yiri Duqa Magaalada Boosaaso Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali.

Hay’adaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa si qarsoodi ah u xiray dad ay ku tuhmayaan in ay la shaqeeyaan ama gacansiinayaan Kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay dhulka buuralayda ah ee Gobolka Bari, baaris ayaa ku socota.