Donald Trump oo gaaray Tel Aviv & Israa’iil oo loosii daayay 7 Maxbuus

0
7

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa barqonimadii maanta waqtiga geeska Afrika gaaray Magaalada Tel Aviv, waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Nentayahu.

Soo dhaweynta Trump iyo sii daynta 7 Maxbuus oo Israa’iil ah ayaa isku waqti kusoo beegmay, Xamaas ayaa fasaxday Maxaabiistaan oo qayb ka ah kuwo badan oo weli gacantooda ku jira si ay ugu baddeshaan Falastiiniyiin badan oo xabsiyada ku jira.

Kahor inta uusan kasoo safrin dalkiisa waxa uu sheegay in uu jecel yahay booqashada Magaalada Gaza oo muhiimad gaar ah u leh, balse qorshaha uguma jirto maadaama Israa’iil iyo Masar uu tagayo ugana qaybgalayo shirar iyo kulamo gaargaar ah.

Trump ayaa marka ay kala dhammaadaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil u safraya Masar halkaas oo lagu qabanayo shir ay ka qaybgalayaan Madax ka kala socota in ka badan 20 Dal oo kawada xaajoon doonna qorshaha cusub ee Gaza, ilaalinta xabbad-joojinta, Dib u dhiskeeda & gargaarka bani aadamnimada.