Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle oo mudooyinkii dambe howlo shaqo u jiray magaalada Jowhar ee Caasimadda dowladda Hirshabelle ayaa maanta waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.
Qeybaha bulshada iyo saraakiisha amniga ayaa sodhaweyn maqaam sare leh Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle waxa aay ugu sameeyeen garoonka diyaardaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne.
Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ayaa kulan mira dhal ah magaalada Jowhar kula qaatay madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Madaxweynaha dowladda Hirshabelle ayaa ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle ku amaanay sida hortabinta leh ee nidaamka dowladda uga shaqeeyay una fadhiisiyay nidaamka Maaliyadda gobolka Hiiraan.
Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Hiiraan ahne Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle oo ah siyaasi hesta kalsoonida madaxda dowladda Hirshabelle iyo shacabka gobolka Hiiraan ayaa ah siyaasi fur-furan waxbadan howlaha maamulka gobolka Hiiraan ku jiray taasi oo u saamaxday in uu noqdo siyaasi sameyn ku leh siyaasadda gobolka iyo tan Hirshabelle.