Saddex qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen doon ku rogmatay Biyaha Mombasa ee dalka kenya halkaas oo lagu qabanayay tartan ay ku tartamayeen Dhallinyaro sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaaladaas.
Doonta rogmatay ayaa aad ula loolamaysay doon kale oo la socotay balse marqura ayay gaddoontay weliba si toos ah iyada oo muuqaalka loo duubayay dadkuna kala socdeen Warbaahinta iyo baraha Bulshada.
Gurmad degdeg ah oo la sameeyay ayaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo dhallinyaradii kale ee doonta la saarnayd kuwa dhintay oo qudhooda la geeyay goobaha Caafimaadka si ay u helaan Daryeel Caafimaad sida hadalka loo dhigay.
Tartanka Doomaha ee dadka badan lagu raacayo laguna kaxaynayo qoryaha ama ulaha, si kooxdii awoodda ku wada doonta ugu guulaysato kaalinta 1aad ee la rabo in lagu abaalmariyo kooxdaas sida sharci u yaalla uu yahay.