Masar oo qabaneysa shir caalami ah oo looga hadlayo Nabadda Qasa iyo xasiloonida Bariga Dhexe

0
6

Dowladda Masar ayaa shaacisay in magaalada xeebta leh ee Sharm el-Shiikh lagu qaban doono shir caalami ah oo nabadeed Isniinta soo socota, kaasi oo ay si wadajir ah u wada guddoomin doonaan Madaxweyneyaasha Masar iyo Mareykanka, Cabdel Fataax Al-Sisi & Donald Trump.

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in shirkan ay ka qaybgelayaan madax ka kala socota in ka badan 20 dal, loogana hadlayo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda Marinka Qasa iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe.

Sida lagu xusay bayaanka, shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa ilaa 20 qodob oo ay ku jirto xabbad-joojin buuxda oo ka dhaqan gasha Qasa, Maxaabiista Israa’iil lagu beddelo 2,000 maxbuus Falastiini ah, Isla markaana ciidamada Israa’iil si tartiib tartiib ah uga baxaan Qasa.

Wejiga labaad ee heshiiska ayaa lagu sheegay in lagu dhisayo maamul cusub oo Qasa ah, la sameynayo ciidan amni oo ay ka mid yihiin Falastiiniyiin iyo dalal Carbeed iyo Islaami ah.

Tan iyo bishii Oktoobar 2023, duqeymaha Israa’iil ee Qasa ayaa sababay geerida in ka badan 67,600 Falastiiniyiin, intooda badan haween iyo carruur, taas oo gobolka ka dhigtay mid aan la degganaan karin.