Guddoomiyaha Degmada Ceel-Barde iyo Wafdi Qurbejoog ah oo Kormeeray Isbitaalka iyo Mashaariicda Horumarineed ee Dowladda Koonfur Galbeed ka Wado Ceel-Barde.

0
6

Ceel-Barde:– Guddoomiyaha degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, Mudane Haadi Siraat ayaa maanta hoggaaminayey wafdi ballaaran oo isugu jiray qurbejoog kasoo jeeda degmada iyo xubno ka tirsan maamulka degmada, kuwaas oo kormeer shaqo ku tagey Isbitaalka guud ee degmada Ceel-Barde iyo mashaariic horumarineed oo ay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ka waddo degmadaas.

Kormeerka ayaa ahaa mid loogu kuurgalayey xaaladda guud ee adeegyada caafimaad iyo sida ay bulshada deegaanka uga faa’iideystaan adeegyadaas muhiimka ah. Intii uu socday kormeerka, wafdiga ayaa si dhow u soo indha-indheeyey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyagoo warbixin ka dhageystay maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka oo faahfaahin ka bixiyey adeegyada la bixiyo, xaaladda qalabka caafimaadka, iyo caqabadaha ka jira goobta.

Sidoo kale, wafdiga ayaa booqday mashaariic horumarineed oo ay dowladda Koonfur Galbeed ka fulineyso degmada, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismooyin la xiriira adeegyada biyaha, waxbarashada, iyo dib-u-dhiska kaabeyaasha bulshada. Mashaariicdan ayaa qeyb ka ah qorshaha guud ee dowladda Koonfur Galbeed ee lagu doonayo in lagu horumariyo adeegyada aas-aasiga ah ee degmooyinka gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Ceel-Barde Haadi Siraat ayaa ugu mahadceliyey wafdiga qurbejoogta ah sida ay u muujinayaan danqashada iyo doorkooda ku aaddan horumarinta degmada. Wuxuu ku booriyey inay sii wadaan taageerada iyo maalgelinta mashaariicda bulshada, maadaama qurbejoogtu ay door muuqda ka ciyaari karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta deegaanadii ay kasoo jeedeen.

Dhankiisa, mid ka mid ah xubnaha qurbejoogta ee wafdiga la socday ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan dadaallada horumarineed, isagoo tilmaamay in degmada Ceel-Barde ay mudan tahay in la helo adeegyo caafimaad, waxbarasho iyo biyo nadiif ah oo hufan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha degmada iyo wafdiga ayaa balanqaaday inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo degmada, si loo xaqiijiyo nolol wanaagsan oo shacabka deegaanka ah.

Ugu dambeyn Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga u dhexeeya maamulka degmada, dowladda Koonfur Galbeed, qurbejoogta iyo bulshada deegaanka, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo kaabeyaasha bulshada, taas oo kor u qaadaysa nolosha shacabka degmada Ceel-Barde.