Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay wado qorshe lagu horumarinayo Baasaboorka Soomaaliga, iyada oo la filayo in la soo saaro Baasaboorka Jiilka Saddexaad oo noqon doona mid elektaroonik ah.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay hay’addu soo saartay, baasaaboorkan cusub wuxuu noqon doonaa mid laga sameeyo qalab casri ah , wuxuuna buuxin doonaa heerarka amni iyo tayo ee ay dejisay Hay’adda Duulista Caalamiga ah.
Bayaanka ayaa intaas lagu lagu daray in baasaboorka cusub uu noqon doono mid leh “Astaamo amni oo casri ah oo la jaanqaadaya heerka caalamiga ah, kor u qaadaya tayada iyo muuqaalka baasaboorka Soomaaliyeed, xoojinaya kalsoonida caalamiga ah ee dokumentigan muhiimka ah.”
Dhanka kale, hay’addu waxay ku dhawaaqday inay bilaabi doonto latashi ballaaran oo lala yeelanayo bulshada Soomaaliyeed, hay’adaha dowladda, shacabka, iyo daneeyayaasha kale ee quseeya arrintan.