Dadkii dib ugu laabtay Gaza oo garan waayay Magaaladaas oo aad u burburtay

0
3

Dhacdooyin kala duwan ayaa laga diiwaangeliyay Shacabka Magaalada Gaza ee dib ugu laabtay guryahooda kaddib markii ay dhaqangashay xabbad-joojinta aan xadidnayn ee Xamaas iyo Israa’iil todobaadkii tagay dhammaadkiisa ku gaareen Dalka Masar.

Dadkii ka barakacay Magaalada Gaza ee dib ugu laabtay ayaa shaki geliyay in ay tani tahay Magaaladii ay ku noolaayeen kahor dagaalka sabab la xiriirta burburka baahsan ee gaaray iyo sida guud ahaan dhulka loo dhigay dhismihii caanka ahaa.

“Tani Ma Gazaa? Ma magaaladii aan ka tagnay baa? Ma halkii aan ku noolayn baa? Waa kaaf iyo kala dheeri muuqaalkii hore iyo kan maanta” ayay dhaheen qaar kamid ah Dadkii dib ugu laabtay Magaalada Gaza.

Dadka reer Gaza waxa ay waqti badan ku bixinayaan sidii ay usoo raadin lahaayeen Dad ugu war dambaysay xiligii dagaallada iyo duqaymaha ka socdeen Magaaladaas, dhismaha dumay hoostiisa ayay ka raadinayaan Dadkii haddii arkaan maadaama maydad laga soosaaray.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan la qabto shir degdeg ah oo looga arrinsanayo dib u dhiska Magaalada Gaza oo Ballaayiin Doollar ku baxaysa marka la eego burburka baaxadda wayn ee safmarka ah ee Ciidanka Israa’iil u gaysteen.