Maamulka Hirshabeelle oo mamnuucay in diyaarad hub iyo ciidan sida ay galeen deegaannadeeda.

0
3

Maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta soo saaray digniin culus oo ka dhan ah diyaaradaha sida ciidan hubeysan ama hub sharci-darro ah ee soo gala garoomada ku yaalla deegaannada maamulkaas, iyadoo aan la marin nidaamka dowlad goboleedka.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle, laguna saxiixay Wasiirka Wasaaradda Md. Farah Mohamed Osman, ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay mid lagu ilaalinayo amniga guud iyo sugidda nidaamka duulista hawada ee gudaha maamulka.

Wasiirka ayaa amray dhammaan shirkadaha duulimaadyada iyo hay’adaha ka howlgala garoomada diyaaradaha inaysan ogolaan ama qaadin diyaarado ciidan ama qalab milatari sida sharci-darro ah u soo gala gudaha Hirshabeelle, isagoo ku goodiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amar-kan.

Qoraalka ayaa si cad u xusay in aysan la aqbali doonin diyaarado wadata ciidan ama hub aan oggolaansho ka haysan dowladda Hirshabeelle, isla markaana la joojin doono duulimaadyada noocaas ah si loo sugo amniga iyo kala dambeynta hawada maamulka.

Digniintan ayaa imaaneysa xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo loollan ka dhex taagan siyaasiyiinta qaarkood oo ku loolamaya saamiga iyo hoggaanka maamulka Hirshabeelle.