Israel iyo Xamaas ayaa ku heshiiay wejigii koowaad ee heshiis xabbad-joojin ah oo uu ka soo shaqeeyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taasi oo ka dhaqan gali doonta Magaalada Qasa.
Heshiiska Xabbad Joojinta ayaa waxaa ka falceliyay Caalamka.
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah oo horseedi kara nabad waarta, isagoo sheegay in magaalada Qasa dib loo dhisi doono,
Benjamin Netanyahu, Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono Fulinta heshiiska, isagoo tilmaamay inuu Maxaabiista u keeni doono qoysaskooda.
Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa rajo ka muujiyay xaaladda Qasa, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo xal laba dowladood ah.
Xamaas ayaa dhankooda ku baaqay in Israa’iil fuliso Heshiiska Xabbad Joojinta, isla markaasna ay ciidamadeeda ka saarto Qasa.
Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ayaa ku baaqay in la ilaaliyo xabbad joojinta iyo madaxbannaanida shacabka Falastiin.
Si lamid ah Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, UK, Ruushka iyo Maleysiya ayaa ku baaqay in adkeeyo nabadda Qasa, dibna loo dhiso magaaladaasi.