War kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar lagu hadal hayo Baraha Bulshada oo la xiriira in Xukuumaddu heshiis qarsoodi ah la gashay Dalka Sweden si dalkooda dib loogu soo celiyo Soomaalida ku nool Dalkaas.
Qoraalka Xukuumadda ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax isku xiraya heshiiska isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxa ay Xukuumaddu waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka la faafiyay.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Xukuumadda Soomaaliya soosaartay.
“Eedeymahan waa kuwo been abuur ah, marin-habaab ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn. Ma jirto heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qaybinta gargaarka horumarineed.” Ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Xukuumadda ayaa xiriirka Soomaaliya & Sweden ku sheegtay “Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden waa mid soo jireen ah, kuna dhisan is-ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah. Dhammaan wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodyada waxaa lagu fuliyaa heer diblomaasiyadeed oo daahfuran, iyadoo lagu hubinayo kormeerka Golaha Wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah”.