Shifaa Cabdirashiid “Ciidanka Israa’iil ee na qabtay waa ay na jirdileen iyaga oo raashinka noo diiday”

0
3

Shifaa Cabdirashiid oo ah Gabar asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya isla markaana dhalashada labaad ka haysata Dalka Finland ayaa ka sheekeesay xaaladdii adkayd ay kala kulantay Ciidanka Israa’iil ee gacanta ku dhigay iyada oo kooxdii la socotay ee u gurmatay Shacabka Gaza.

Waxa ay tilmaamtay in ciidanka ay u qaadeen Dadkii la socday doomaha jabinayay Xayiraadda Israa’iil ay saartay Gaza oo gacanta u galay, waxa ay intaas ku dartay in dhibaato xooggan ay kala kulmeen helista cunnada oo saacado badan ku qaadatay in ay helaan.

Sababta waxa ay ku sheegtay in aanay ahayn cunno halkaas ka jirta balse ciidanka Israa’iil ku ciqaabayeen Dadkaan u gurmanaya Shacabka Falastiin ee macluusha & Amni darrada ay ka dameyso isugu darsantay.

“Dhibaato badan ayaa jirta, xabsiga ayay nagu jirdileen oo 30 saac ayay nagu gaarsiiyeen raashinka, dhulka ayay noogu tuurayeen cunnada, welwelka ugu weyn waa dadka Falastiin, waxaa naloo daayay in aan haysano baasaboor Yurub ah, dadka aan haysan waxaa naloo sheegay in la gaynayo Jordan” Ayay tiri Shifaa Cabdirashiid.

Samafalaasha kala dhalashada duwan ayaa ka mideysan in ay gaaraan hadafkooda ah u gurmashada Dadka Falastiin ee dhibaataysan, waxa ay direen fariimo isku mid ah oo la xiriira in xaalado adag ay wajahaan Dadkaan loona baahan yahay in xayiraadda ka dulqaaddo Israa’iil.

Qaarkood ayaa diinta Islaamka ku qaatay xabsigii lagu xiray kaddib markii ay arkeen dulqaadka ay muujiyeen muslimiinta lala xiray ee dhibaatooyinka xooggan ay u gaysanayaan ciidanka Yuhuuda balse kordhiyay ku xirnaanta alle iyo aysan israacin xaaladaha ay wajahayeen.