Mucaaradka oo weli ku adkeysanaya in ay Banaanbax ku qabtaan Muqdisho

0
6

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa si weyn uga socda abaabul lagu diyaarinayo dibadbax ay ku baaqeen siyaasiyiinta Madasha Mucaaradka Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Banaanbaxan ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, waxaana mucaaradku sheegeen inuu yahay mid looga soo horjeedo, sida ay hadalka u dhigeen, barakicinta iyo dhul boobka ay dowladda ku heyso shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay abaabulkaasi, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah isla markaana laga digay cawaaqibka ka dhalan kara haddii la isku dayo in si qasab ah loo qabto.

Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in dibadbaxoodu uu dhici doono berri oo Khamiis ah, isla markaana ay wadaan qabanqaabadii ugu dambeysay. Kulamo iyo qorsheyn siyaasadeed oo lagu sii amba-qaadayo abaabulkaasi ayaa xalay iyo saaka ka socday Muqdisho.

Indhaha siyaasadda dalka ayaa hadda ku jeeda tallaabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya, haddii mucaaradku isku dayaan inay si toos ah banaanbax uga dhigaan magaalada, xilli xiisad siyaasadeed oo cusub ay u muuqato mid cirka isku shareertay.