Dowladdaha Qatar, Masar iyo Turkiga oo War ka soo Saaray qorshaha nabadda Qasa.

0
9

Qatar, Masar iyo Turkiga waxay oggolaadeen qorshaha nabadda ee Qasa oo wax ka beddel lagu sameeyay , iyagoon lagu wargelin, waxayna billaabeen inay cadaadis ku saaraan Xamaas, sidii ay ku aqbali lahayd qorshahan, sida ay werisay Axios.

Ra’iisul wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed Al-Thani, madaxa sirdoonka Masar,Abbas Kamel Rashad, iyo madaxa sirdoonka Turkiga,Ibrahim Kalin ayaa maanta magaalada Dooxa kula kulmay laba jeer hoggaamiyeyaasha Xamaas ee ku sugan Dooxa, iyagoo ku boorriyay inay aqbalaan heshiiska.

Al-Thani ayaa Xamaas u sheegay inuu qorshahan yahay heshiiska ugu wanaagsan ee ay Xamaas heli karto, isla markaana Trump si dhab ah uga go’an yahay inuu soo afjaro dagaalka.

Xamaas waxaa loo qabtay 3 ilaa 4 maalmood inay kaga jawaabto.