Taliska Ciidanka Asluubta oo ciidan dheeraad ah u diraya furimaha Dagaalka?

0
6

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ciidamo kale oo katirsan taliskaas ay u dirayaan furimaha dagaalka si ay u xoojiyaan ciidamada kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Janaraal Mahad ayaa sheegay in ujeedka ciidankaan loo gaynayo furinta ay tahay in ay xoojiyaan ciidamada kale ee howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ halkaas kawada maadaama guud ahaan ciidamadu iskaashanayaan.

Askar cusub oo tababar loo xareeyay ayuu usoo jeediyay in ay awooddooda isugu geeyaan sidii ay u buuxin lahaayeen doorka bannaan ee ciidamada Asluubta mar haddii mas’uuliyad ka saaran tahay amniga si lamid ah ciidamada kale ee Dowladda.

“Waxa aan la hadlayaa ciidanka aan tababarka u keenay, waxa aan idinka rabno ayaan idiin sheegayaa, shaqada aad haysaan ciidan inta ka baxay ayaa oo furinta geynay ayaa hayay, ciidan kale ayaa furinta gayneynaa” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Ciidanka Asluubta ayaa mas’uul ka ah ilaalinta Xabsiyada lagu xiray dad ku eedeysan dambiyo kala duwan, wixii ka dambeeyay markii ay billawdeen dagaallada ka dhanka ah ‘AS’ waxa ay doorkeeda ka qaadanayeen howlgalladaas iyaga oo furinta la geeyay.