Maxay tahay tallaabada uu qaaday Macallin Mahdi ee ay soo dhaweeyeen Shacabka Muqdisho?

0
6

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa qaaday tallaabo ay soo dhaweeyeen shacabka magaalada Muqdisho, ka gadaal markii uu soo bandhigay dhallinyaro la sheegay in ay suurad xumeeyeen sawirka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, kaas oo Muqdisho ka socda.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday muuqaallo ay iska soo duubeen dhallinyaro lagu qayaasay in ay ka yar yihiin 20 sanno, kuwaas oo garoonka dhexdiisa ku adeegsanaya Toorrey, iyaga oo muuqaallo isaga soo duubaya, xilli ay ku fara kaciyaaraan, taas oo halis galinayso naftooda, iyo tan taageerayaasha.

Dhallinyaradaan ayaa isugu faanaya hab jalliin ay ku baratamayaan, muqaallada ay iska duubayn si ay u soo dhigaan barahooda bulshada ay ku leeyihiin aaladda TikTok, oo ah aalad badi dhallinyarada aad ugu soo bandhigaan muqaallo gaagaaban.

Macallin Mahdi, Taliyaha Booliska gobolka Banaadir oo qoraal raacsan sawirrada todobo dhallinyaro ah ayaa soo dhigay bartiisa Facebook. Waxa uu sheegay in, “Saldhigga degmada Warta-Nabadda uu gacanta ku soo dhigay toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku kacay Falal halis galinaya naftooda iyo tab bulshada.”

Sidoo kale Taliyaha ayaa digniin u diray dhammaan dhallinyarada in aysan garoomada iyo goobaha kale ee bulshada la soo galin wax kasta oo dhaawac ama dhibaato u horseedi kara naftooda iyo tan bulshada.

“Tooreeyada, sakiimaha, iyo wixii lamid ah waa ka mamnuuc garoomada iyo goobaha kale ee dadweynaha, qof kasta oo lagu helo isagoo ku kacaya fal khatar gelinaya naftiisa iyo tan dadka kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” sida uu yiri G/Sare Mahdi.

Ilyaas Cabdikariin Maxamuud oo ka mid in ka badan 800 oo ka falcelisay tallaabadaan ayaa yiri, “Sakiin iyo mindi aan wali qof lagu dhaawicin haddii maanta sharciga la isku gaynayo amni lagu faani karo ayaan heysanaa ee aan ka mahad celino si inta hartay aan ugaarano.”

Sidoo kale Shaafici Xasan oo faallo ka bixi tallaabadaan ayaa yiri, “Waliba talaabo adag halaga qaado, mida kale kuwa calanka wadamada dariska ee an markaas wax colaada na dhex oolin ku xadgudbaya halasoo qabto.”

Sakariye Ismaaciil oo ka mid ah dadka ka falceliyay ayaa Taliyaha Booliska ugu baaqay in uu iska dhaafo siyaasadda, taas badalkayd uu xoogga saaro amniga caasimadda, isaga oo yiri, “Macalin Mahdi Cumar Mumin ah waaba Mahdi reer Xamar Alla usoo diray, mararka qaar haddii uu siyaadadda iska dhaafo uu intaan lee nooga shaqeeyo waa uduceen lahayn.”

Dadka qaar ayaa su’aalo dul dhigay ciidamada ilaaliya amaanka garoonka, sida ay dhallinyaradaan ugu suuragashay in ay garoonka la galaan Toorray, oo wax u dhimi karta badqabka daawadayaasha tartanka degmooyinka gobolka Banaadir!