RW Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya.

0
7

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa safiirka la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Kalluumaysiga, Warshadaha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ay muhiim tahay in ay dowladda Jarmalku maalgashato, si ay uga wada faa’ideystaan labada dowladood.

Safiirka Jarmalka, Mudane Sebastian Groth, ayaa dhankiisa sheegay in ay dowladda Jarmalka ay Soomaaliya ku samaysan doonto maalgashi dhinacyo badan leh, dhowaanna ay dalka imaan doonaan masuuliyiin ka socda wasaaradda horumarinta iyo dhaqaalaha dowladda Jarmalka.