Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay dhiggiisa Maraykanka Donald Trump oo casho sharafeed ku maamuusay Madaxda ka qaybgashay meertada 80aad ee Qaramada Midoobay.
Sida caadada Maraykanka ah, marka uu soo dhammaado kulanka guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkiiba mar la qabto, Madaxda xiligaas xafiiska jooga waxa uu kulan casho ah u sameeyaa mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaas martida ku ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid noqday Madaxda sawir xusuuseedka la gashay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Marwadiisa kaddib markii Aqalka Cad lagu casuumay.
Madaxda ka qaybgashay shirka Qaramada Midoobay ayaa dalalkooda dib ugu laaban doonna mar haddii kulanka cashada ah oo gunaanad u ah fadhiga loo sameeyo isla markaana sawir xusuuseedka la galaan Madaxweynaha Maraykanka.