Kenya oo xirtay Kooxo Ruushka u tahriibin rabay Dad uu u adeegsado Dagaalka Ukraine

0
10

Booliiska Kenya howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen in ka badan 20 ruux oo loo tahriibin rabay Dalka Ruushka si ay uga mid noqdaan kooxaha Calooshood u shaqaystayaasha ah uu u adeegsanayo dagaalka Ukraine, waxaa sidoo kale la qabtay kooxihii tahriibinayay.

Dadkaan ayaa lagu hayay meelo qarsoodi ah halka qaarkood lagu qariyay baakado, iyada oo loo sheegay in ay shaqo ka helayaan dadka Ruushka isla markaana fursad wayn ay u tahay, sidaasina lagu soo xero geliyay sida wararka hordhaca ah sheegayaan.

Goobta lagu qabtay Dadkaan oo ah Magaalada Nairobi waxa ay Hay’adaha ammaanka Kenya gacanta ku dhigeen Dukumiintiyo caddaynaya in dadka ay qaadayaan iyo sida ay safarka ugu yihiin Dalka Ruushka iyada oo loo daabacay warqado shaqo gal ah.

Xeer ilaalinta Kenya ayaa diyaarisay Dacwad ka dhan ah Dadkaan si loogu gudbiyo Maxkamadda Awoodda u leh qaadista kiiskooda, Booliiska ayaa la faray in uu gacan adag kusii hayo Dadkaan ilaa maxkamad laga soo taagayo.

Arrintaan waxa ay bannaanka timid kaddib markii Wiil dhallinyaro Kenyaan ah ay gacanta ku dhigeen Ciidanka Ukraine, markii la waraystay waxa uu u sheegay in lasoo qalday isla markaana loo sheegay in shaqo la geynayo balse ciidanka Ruushka la dhex geeyay.

Hay’adaha Sirdoonka Kenya oo ka duulaya arrintaan ayaa dabagal ku sameeyay dadkii ay saaxiibada ahaayeen Wiilkaas, waxa ay heleen raad ay raaci karaan oo ilaa ugu dambayn gaarsiiyay in ay qabtaan shakabado ku howlanaa tahriibinta dadkaas.