RW Xamse oo daah-furay Tartanka Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo degmooyinka deriska la ah.

0
11

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay Tartanka Ciyaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo degmooyinka deriska la ah caasimadda ee Balcad iyo Warsheekh, oo sanadkan la ballaariyey, si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada, horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta nabadda.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday garoonka ciyaaraha ee Istaadiyow Muqdisho ayaa waxaa ka soo qaybgalay; Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Xildhibaan Dahabo Suusow, Wasiirro, xildhibaanno, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha degmooyinka, Madaxda degmooyinka Balcad iyo Warsheekh, iyo Halyeeyadii hore ee kubadda cagta Soomaaliyeed.

Tartanka waxaa si rasmi ah loogu furay ciyaar u dhaxaysa Xulka Kubadda Cagta Degmada Kaaraan, oo ah difaacdayaasha koobka, iyo Xulka Degmada Dharkeynley, oo horey ugu guuleystay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda uu isboortigu ku leeyahay dhismaha nabadda, isagoo ku baaqay in tartankan loo arko mid kobcinaya isfahamka, wadajirka iyo nabadda bulshada Soomaaliyeed.