Iiran oo Ruushka la gashay heshiis lagu hormarinaayo tamarta nukliyeerka kuna kacaayo 25 bilyan oo Dollar.

0
11

Dowladda Iiran ayaa la gashay Ruushka heshiis 25 bilyan oo dollar ah oo koonfurta Dalka Iiran looga dhisayo afar warshadood oo tamarta nukliyeerka ah.

Isla markiiba heshiiskan wuxuu saameyn ku yeeshay cadaadiska ay reer galbeedka saarayaan Iiraan, kaddib markii Putin uu wacay dhiggiisa Shiinaha , Xi Jinping oo ay ka wadahadleen sidii looga hortagi lahaa cunaqabateynta ka dhan ka ah Iiran ee Mareykanka iyo reer Yurub ay horgeynayaan golaha ammaanka , waxayna Ruushka iyo Shiinaha soo jeediyeen in dib loo dhigo cunaqabateynta , taa haddii aan la sameyn waxay ku hanjabeen inay adeegsan doonaan codka qayaxan.

Iiraan ma ay doonayso in dib loo soo celiyo cunaqabateynta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah heerka ugu adag ee cunaqabateyn dal la saaro, waa wax u dhigma in Iiraan laga go’doominayo dunidda inteeda, si ka duwan waqti kasta oo hore hadda Ruushka iyo Shiinaha ayaa soo bandhigaya inay wax walba u sameynayaan si aan cunaqabateynta loo saarin, kaliyana Iiran xaaladan ugama harin inay xulafado la tahay Ruushka iyo Shiinaha ee waxay adeegsatay heshiis dhaqaale badan uu ku helayo Ruushka , xilligan oo dagaal dheer uu ku jiro oo saameyay dhaqaalihiisa, waana cashar ku filan sida ay dunidda u shaqeyso oo ah danaha la wadaago.