Madaxweyne Xasan Sheekh walwal maku haysaa in markale dib loogu noqda Teendhada?

0
4

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay dareenkiisa ku aadan in markale dib loogu laabto Teendhada, oo laba mar lagu doortay.

Madaxweynaha oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in uusan cabsi ka qabin in looga adkaado markale Teendhada, isaga oo sheegay in uu doonayo in dalka uu maro waddo saxan, xilli uu ka soo kabanaya amni darro iyo dhaqaallo darri muddo la daalaadhacayay.

“In aan Xafiiska ka tago walwal iguma hayso, aniga in la’iigaaga adkaado doorashada waxba kama qabo, dalkaan waxaan rabaa in uu waddo saxan maro, haddii dalka uu waddo saxan maro aniga aan irida ka baxo shalay diyaar ayaan u ahaa oo waan sameeyay, maanta diyaar ayaan u ahay oo waan sameenayaa,” sida uu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in uu la socda waqtiga uga haray muddo xileedkiisa, balse waxa uu sheegay in xilliga aan xilka baneenayo ay ka imaan karaan dodo, taas oo muujisay  suuragalnimada in ay dhacdo muddo kordhin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligaan wajahaya cadaadis uga imaanaya mucaaradka; oo diidan habka ay Villa Somaliya ku wajahayso doorashada soo socota, iyaga oo miiska soo saaray qodobo ay ku diidanyihiin Xukuumadda hadda jirta.