Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in si sharci darro ah looga kalluumaysto xeebaha Dalka.

0
5

Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in xadgudubyada ka dhaca dhinaca badda ee la xiriira kalluumaysiga sharci darrada ah ay u dhaxeyso 25% ilaa 60% iyada oo ay weli socdaan dedaallada lagu dhisayo ciidamada ilaalada xeebaha Dalka si loosoo afjaro arrintaan.

Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraatka Buluugga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xitaa kiiskaan ay u dacweeyeen dalal qaarkood saaxiibo dhow la ah Dowladda sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Axmed ayaa intaas ku daray in Soomaaliya xogtaan ay ku ogaatay dayaxa macmalka ah (Satellite) maadaama ay xubin ka tahay ‘Copenhagen agreement’ oo ahaa heshiis looga hortagayay kalluumaysiga sharci darrada ah.

Waxa uu bogaadiyay tallaabooyin ay qaadeen Maxkamadaha dalka oo lagu xukumay dad kalluumaysi sharci darro ah sameeyay, halka la xisaabtanka dadka kale ee biyaha Soomaaliya ku xadgudbaya uu socdo, si loo gaarana loo xoojiyay ciidanka ilaalada xeebaha.

“Kalluunka Soomaaliya boobkiisa wuu socdaa, Dowlado aan saaxiibo nahay qaarkood ayaa u dacweynay arrintaan, waxaa jira kuwo ku howlan ilaa hadda in ay dhacaan khayraatka Dalka oo aan wadno in aan kala hadalno in ay biyaha isaga baxaan” Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraatka Buluugga ah XFS.

Baaris saddex sanno ah oo ay Dowladdu samaysay waxaa usoo baxday natiijada ah in 500,000 ilaa 800,000 oo kun oo Metre tan oo ah Kalluunka Nooca Tuunaha ah laga samayn karo, dhaqaalaha laga heli karana ay ka badan tahay bal bilyan oo doollar.

Soomaaliya waxa ay heshiis dhinaca difaaca badda ah kula jirtaa Dalal kala duwan sida Turkiga waxaana socda qorshe lagu dhisayo ciidamo xooggan oo awood buuxda mustaqbalka u yeelan kara ilaalinta Badda si looga hortago Maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumaysto.