Wasiiradda arrimaha dibadda dowladdaha Soomaaliya iyo Serbia Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Serbia Marko Đurić ayaa heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Labada Wasiir ayaa ka mid ah wafdi sare oo labada dowladood uga qeyb galaya magaalada New York fadhiga guud ee 80-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.
Labada dhinac ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Serbia.
“Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya iyo Serbia waxay horay u kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan oo ku qotama dhinacyada caafimaadka, militariga, amniga iyo kuwo kale oo muhiim ah.
Ugu dambeyntii dowladda Serbia waxay ka mid tahay dalalka caalamka ee dowladda Soomaaliya ku garab siiya dib u dhiska hay’adaha muhiimka ah, waxaana sanadihii dambe ay dowladda Soomaaliya xoojisay xiriirka ay la leedahay Serbia.