Madaxweynaha Turkiga , Erdogan iyo madaxweynaha dalka Indonesia,Prabowo Subianto ayaa laga damiyay makarafoonka inta ay ku jireen hadal jeedintooda shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, taa oo markiiba loo qaatay faragelin ama inay Israa|l jebisay nidaamka cod baahiyaha xarunta Qaramada Midoobay oo inta badan hoggaamiyeyaasha ay dalbanayeen in la joojiyo dagaalka Qasa.
Balse, faahfaahin uu soo bandhigay xafiiska warbaahinta madaxweynaha Turkiga , ayaa lagu xaqiijiyay inaysan dhicin wax faragelin ah ama cilad, balse khudbada Erdogan iyo Subianto, labadaba waxay qaadatay waqtiga ka badan muddada loo qoondeeyay oo ahayd 5 daqiiqo, taa oo keentay si loo xasuusiyo waqtigooda inuu dhammaaday in laga damiyo makarafoonka oo dib loo furay si ay khudbada u gabagabeeyaan.
Xarunta golaha guud ee Qaramada Midoobay, waxaa ka jira sharci ah dalalka waa weyn oo Turkiga iyo Indonesia ay ku jiraan , waxaa loo oggolyahay inay khudbadooda ku soo koobaan muddo shan daqiiqo ah , wax loogu darayana ma jirto halka dalalka kale hoggaamiyeyaashooda ay khudbada jeedinayaan kaliya saddex daqiiqo, haddii ay intaa ka badsadaan waxaa la damiyaa makarafoonka sida caawa dhacday!