Soomaaliya oo noqotay dalka kaliya Muslim ah ee u codeeyay in cunaqabateynta lagu sii hayo Iran?

0
5

Soomaaliya ay noqotay dalka keliya ee Muslim ah oo taageeray cunaqabataynta saaran dalka Iran. Kaddib markii Golaha ammaanku cod u qaadeen in Iran laga qaado cunaqabataynta iyo inkale, Soomaaliya ayaana u codaysay inaan laga qaadin.

19-ka Sebtembar, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (#UNSC) ayaa ku guuldarreystay inuu meel mariyo qaraar qabyo ahaa oo ogalaanayay in laga qaado cunaqabateynta Iran, sida ku cad heshiiskii 2015 ee loogu magac daray Qorshe Hawleedka Wadajirka ah ee dhammaystiran

(JCPOA).

Qoraalka qabyada ah wuxuu helay:

→ 4 cod oo ogolaansho ah,

→ 9 cod oo diidmo ah,

→ 2 ka aamusay (abstentions).

Soomaaliya oo kamid ah dalalka codka leh ee 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u codaysay in Iran aan laga qaadin cunaqabataynta, waana dalka keliya ee Muslim ah oo diiday in Iran laga qaado xayiraadaha ay reer galbeedku saareen.

4 dal ee u codaysay in laga qaado Iran, waa Pakistan iyo Aljeeriya oo lagu daray Shiinaha iyo Ruushka.

Waxaa weli la iswaydiinayaa cidda Soomaaliya ay ku metashay codkeeda, Islaamkii iyo Carabtii Golaha ku wehelisayna ay u khilaaftay!