Xog kasoo baxday baadhitaan lagu sameeyay weerar uu sheegay Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti in koox aan la garanayn kusoo qaaday laba jeer, ayaa lagu sheegay in wakiilku isagu xabado isku dhuftay, naftiisana dhaawac u geystay sababo aan illaa hadda la garanayn awgood.
Guddida Nabadgelyada ee Gobolka Awdal oo baadhitaan ku sameeyay weerarrada la sheegay in lagu qaaday Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Jabuuti, Cabdifataax Cilmi Muxumed, ayaa sheegay in ay ogaadeen in wakiilku uu isagu is dhaawacay, kadib markii ay sameeyeen baadhitaan, isla markaana uu xabbad isagu isku riday.
Wakiilku waxa uu maalmo ka hor sheegay in koox hubeysan ku weerartay isagoo safar ku marayay jidka isku xidha Boorama iyo Gabiley, dhaawicii soo gaadhayna loo dhigay isbitaalka Boorama. Hase yeeshee markii uu kasoo bogsaday dhaawacii hore ee isbitaalka kasoo baxay, ayuu mar kale sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray isla markaana xabbad afka kaga dhacday.
“Tani waxa ay ahayd, sida nooga muuqata baadhista, in uu baastooladda afka gashaday kadibna gudaha iskaga dhuftay, isagoo ciridkiisa ka ilaalinaya. Waa baastooladda nooca yar yar ee Turkiga sameeyo, waxaana noo soo baxday in rasaasta iyo baastooladdii la adeegsaday ay isleeyihiin,” ayuu yidhi Taliyaha Laanta Baadhista Dambiyada Gobolka Awdal, Dhamme Maxamed Cabdillaahi Muuse.
Guddidu waxa kale oo ay sheegeen in dhakhtarku xaqiijiyay in dhaawaca ka muuqday wakiilka aanu ka imaanin xabbad dibedda kaga timid, balse uu gudaha iskaga dhuftay. Sidoo kale, markii ay baadhis sameeyeen waxay sheegeen in ay ogaadeen in baastoolad uu haystay uu u adeegsaday dhaawacyadaas, isla markaana ay gurigiisa ka heleen kiniinno loo isticmaalo xanuunnada dhimirka.
Ilaa hadda lama oga sababta ku kalliftay falalkaas. Waaxda baadhistuna waxay sheegtay in wakiilku labada jeerba sheegay in aanu garanayn cidda xabbadda ku dhuftay, balse raadadka rasaasta oo laga helay gurigiisa ay caddeeyeen in aanu weerar dibedda kaga iman, isla markaana uu isagu isku dhuftay xabbaddaas, baastooladdana uu gurigiisa kaga tegay.